Monday, November 28, 2016

❤️❤️Geeraar aan caadi aheyn❤️❤️

Anigoo ah Adminka Blog aan waxaa qoray geeraar aad u qiimo badan anigoo u tiriyay gabadh qiimo, qadarin iyo xasuus iga mudan magaceeduna aad ka dhex arki doontaan bilowga sadar walbo oo kamida geeraarka *ifraax*



Gacalooy ifraaxeey 
Indhahaga daimonka 
Dhexdaada taakada 
Qosolkaada quruxda badan. 
Daganida lagu laray 
Waa waxa i qaadoo 
Kaaga soocday dumarkoo 



Gacalooy ifraaxeey 
Dumar gaaridoodaay 
Dhaayaha u rooneey 
Saqdii dhexe habeeynkii 
Subax iyo galabtuba 
Kugu qarwaa marar badan 


Gacalooy ifraaxey 
Dheymantii hablaadeey  
Xishoodkiyo wanaaguba 
Tii iga muteesataay  
Ma mid kula midaa jirto 

Gacalooy ifraaxeey 
Qosolkiyo quruxduba 
Waa mid kuu gooniyo 
Hablaha dhamaantood 
Mid kugu gaarto aanan jirin 

Gacaloow ifraaxey 
Wacadkaaga oofintaa   
Edebtiyo asluubtiyo 
Waa waxa i qaadoo 
Daraaha korkoodiyo 
Igu tuuray meel sare 

Gacalooy ifraaxeey 
Hadal sami wanaagaa 
Intaan dumar arkayay 
Hadalkiyo hasaawuhuba    
Tii ugu fircooneyd 
Hibo iyo udgoon badan 
Ku maneystay mowluha 
Cizi iyo sharaf 
Igu mudantahay macaaney

๐Ÿ’›๐Ÿ’›geeraar๐Ÿ’›๐Ÿ’›Jaceyl๐Ÿ’›๐Ÿ’›๐Ÿ’›


๐Ÿ’›๐Ÿ’›Geerar Jaceyl๐Ÿ’›๐Ÿ’›๐Ÿ’›


Macaaney
Daaraha aduunyada 
Hadii doolar ley keeno 
Dinaarna leygu daro 
Midna dooran maayo 
Kaa dareeri mayee 
Intaad dunida noolahay  
Dareenkeygu joogoo 
Daa'in waxaan ka tuugaa 
Daimontii jecladee 
Dumar ugu wacneedee 
Igugu deeqo dunida. ❤️❤️❤️ 

Dhambaal Jaceyl



•••dhambaal Jaceyl••••••


"Waxaad ka weyntahay kana qiimo badantahay cid alaala iyo dhamaan intii nolosheyda soo martay, waxaa kuu istaagay oo ku sharfay dhamaan Buuraha, dhirta iyo dhagaxyada waxaa ku sacabtumay kaana raali noqday dhamaan noolaha ku dhex nool  agagaarka qalbigeyga." Macaan waan ku jecelahay

Tuesday, November 22, 2016

Waxaad ka nuurbadantahay isku darka dayaxa iyo xidigaha marka loo eego iftiinka aad qalbigega ka daar

Waxaan qiyaasaya in aad ka nuur badantahay isku darka dayaxa iyo xidigaha marka loo eego iftiinka aad ka shiday gudaha qalbigeyga. 

Ma arag wax ka macaan badan hadalkaaga, ma arag wax aan la bar-bardhigi karo quruxdaada taas oo gaartay heer ay gilgisho iskuna darto dareemaheyga, waxaad iiga muhiimsantahay dhamaan qeybaha jirkeyga, dartaada waan usaari lahaa Wadnaheyga hadii aan sii noolaan lahaa oo aysan cabsi ka jiri laheyn ku raagida koonkaan. 

Nasashada qalbigeyga waxuu ku imaan karaa in aan maqlo codkaaga quruxda badan, waxaan u kuur galay in aan maalin   joogi karo la'aantada balse waxaa cidhiidhi igu noqotay neefta markii aan marayay rubac kamida maalinta kadib ayaan kusoo wacay si aan u helo 
Oxygen-kaaga, xaqiiqdi ma tijaabin karo in aan seexdo anigoo maqal codkaaga oo waxaan ka baqayaaa in aan adiga ku waayo. 

Cabsida ugu badan oo ay soo tabiso maskaxdeyda ayaa ah in aan adiga ku calfan waayo taas oo i ah nasiib daro tii iguugu xumeyd ee igu dhacdo nolosheyda. 

Hadii aan isku dayo is bar-bar dhigida quruxdaada iyo tan Daimond-ka waxaan ka baqayaa in aan arki waayo Daimond-ka, ma jiroh ruux aan kugu doorsanaayo inta aan noolahay taas oo macnaheydu tahay in aad adiga ileedahay, waxaad xur utahay xukunka lafaheyga, jirkeyga iyo maskaxdeyda waxaad u adeegsan karta sidaa doonto. 

Macaan adig ayaa ileh, adiga ayaaa ku jeclahay habeeyn iyo maalin

Monday, November 21, 2016

๐Ÿ’Ÿ๐Ÿ’Ÿ๐Ÿ’Ÿfariin๐Ÿ’“๐Ÿ’“jaceyl๐Ÿ’•๐Ÿ’•


๐Ÿ’›๐Ÿ’›๐Ÿ’›๐Ÿ’›๐Ÿ’›๐Ÿ’›๐Ÿ’›๐Ÿ’›fariin๐Ÿ’œ๐Ÿ’œ๐Ÿ’œjaceyl๐Ÿ’Ÿ๐Ÿ’Ÿ๐Ÿ’Ÿ๐Ÿ’Ÿ


Waxaa xaqiiq ah in rabitaanka nololeed ee ka jira nafteyda kaas oo aan u haayo noloshaada  in uusan ku saleysneyn kaliya Mid jismiyeed oo uu ka weynyahay gaarsisanyahayna ilaa heer aad u sareeyo.

Waxaan kuu xaqiiqjinayaa in aan maalintii ugu dambeesay message aan kusoo qoray ayagoo ay tageen dhamaan dareemaha jirkeyga oo uu message-kaas qorayay wax ka weyn gacanteyda iyo maskaxdeyda kaas oo aan ku macneeyay in uu ahaa jaceylka xad dhaafka ah ee an u qabo la noolashahaada. 

Waxaad iga mudantahay xilo, xanaaneyn iyo dhowrid ka badan inta ay iga mudanyihiin dhamaan noolaha dul saaran dunida, ma qarinkaraan Buuraha, jamalada iyo dhirta dunida weynida jaceylka aan kuu qabo. 

Kukalsoonida nafsadeyda in ay hanan karto noloshaada waa mid aad u sareyso, taas oo aan ku sababeyn karo in jaceylka aan kuu qabo kaa badbaadin karo dhibaato walbo oo adiga kusoo wajahdo. 

Waxaa jiro qolooyin ku dagaalamayo kuwaas oo kawada tirsan rajo hadana isku heysta soo da-dajinta aqalkeena. 

Macaan, gcliso, Xabiibti ogoow waxaad i tahay nuurka indhaheyga

Sunday, November 13, 2016

❤️☀️☀️Farin ka socoto laab wax jecel⭐️ Kusocoto qof la jecelyahay❤️❤️☀️☀️

☀️fariin Jaceyl kusocoto qof la jecelyahay☀️.

In aan kugu yeero Mcn, gcliso, xubi iyo Wax yaabo lamida Macno weyn iguuguma fadhido sababto ah waxaa tahay macalimada nolosheyda isoo marto waxaadna u qalanta in aan kuu istaago mar alaala markii aan ku arko, waxaad mudantahay in aan u riyaaqo mar alaala markii aan maqlo Magacaaga, waxaan Taalo kaaga dhisay qalbigeyga taas oo aan cid walbo tusi doono si ay u ogaadaan in aad tahay halyeeyad ruxday Qalbigeyga, Maskaxdeyda iyo waaxyaha jirkeyga, waxaan musxaf kaaga dhisay bartamaha laabteyda taas oo aan ku keydiyay eray walbo oo i tiri nolosheyda. 

Waxaad ka weyntahay kana qiimo badantahay cid alaala iyo dhamaan intii nolosheyda soo martay, waxaa kuu istaagay oo ku sharfay dhamaan Buuraha, dhirta iyo dhagaxyada waxaa ku sacabtumay kaana raali noqday dhamaan noolaha ku dhex nool  agagaarka qalbigeyga. 

Casharada aan kugu xasuusto waxaa kamida in aad nolosheyda bartay Naxariis, Jaceyl, Farxad iyo Kalsooni, waxaad qalbigeyga kasoo kaxeesay Meere aan laga cunin laga cabin Adigoo i keenay meeraha aan maanta uu ku noolyahay qalbigeyga  kaas oo aan ka helay Cunada qalbiga tan ugu macaanka badan taas oo ah Jaceylkaaga, waxaan oonka iga tiray Farxada aad isiisay, waxaan ku mahadcelin doonaa ilaa dhamaadka nolosheyda.  

Waxaa waagu iguugu baryaa anigoo kaa fakarayo waxaan seexda anigoo kaa fakarayo, ma kala garan karo intaas inta u dhaxeyso waxa ii qabsoomay laakiin waxaan cadeyn karaa in aan intaas  adiga kaa fakarayay.

Maka xumaan doono, Mana ka qoomameyn doono Go'aanka aan qaatay maalinti aan kugu aaminay nolosheyda, ogoow si doonto aad igaaga fogaato waxaan ahaan doonaa Qadar-kii aad taqiinay kaas oo kuu hibeeyay noloshiisa, hadii aan nolosha isla wadaagi weyno waxaad qalbigaaga galisaa in uu jiro qof ku jecel kaas ooa ad cidleysay kuna jeclaan doona inta ay noloshiisa ka go'ayso. 

Ilove you macn

Friday, November 11, 2016

❤️❤️❤️❤️Jaceylka ayaa aafeeyay waaxyaha jirkeyga❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️๐Ÿ‘

❤️❤️❤️❤️❤️❤️Fariin jaceyl❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️


•waxaad furtaa inbox-kaaga kadib Gcliyahaga/gclisadaada u qor erayadaan•••

❤️"Waxaa doonayaa in aad habeyn walbo i tiraahdo waan ku jeclahay, taas ayaana ii sameyn karto in aan maalintii oo idil ka daalin howl walbo oo aan qabanaayo, Maalin uun waan midoobi doonaa anagoo wadaagi doono farxad, murugo, macaan iyo qaraarba, waxaan ku kalsoonahay in wada jirkeenu ka weynyahay isku darka buuraha, kana adagyahay shey walbo" ❤️

••••Hadii aad u dirtay waxaa tahay Romance, waxaa tahay ruux aad daacad ugu ah jaceylkiisa, waxaan hubaa hadii aad dadaalkaga badiso in aad ku guuleysan doonto raadinta rajadaada••••

Anigana maxaa mudanahay⁉️

Wednesday, November 9, 2016

Waan kusoo xasuusta marka aan maqlo erayadaan Jaceyl, Naxariis, qurux, hodantinimo, dadaal iyo kartiba, abaayo macaan waxaa tahay dhamaan gabadh isku darsatay, abaayo macaan waan ku jeclahay waan ku jeclaan doonaa waana kula xiriiri doonaa inta aan dunida noolahay. 

Waxaa jeclahay in aad iga difaaci doonto tiiraanyada, murugta iyo dhibaatada aan habeen walbo ku seexdo, habeyn walbo waxaa indhaheyga kasoo burqado ilin aanan celin karin, habeen walbo waxaan seexdaa anigoo kaa fakarayaa kuna riyoonayo anigoo nolol kula wadaagay. 

 
Ruux walbo oo dunidaan ku nool waxa uu utaamaa in uu helo qof uu jecel yahay anigana hadii aan ku heli waayo kuna hanan waayo waxaad ogataa in aan ahay qofka kaliya ee ku jecel ilaa aad dunidaan ka tageyso, waxaan rajeynayaa in aad wax igala qabato jaceylka baahsan aan kuu qabo.


Xaqiiqada waxa ay tahay in hadii aad jaceylkeyga ii tixgaliso aduunka heer aan ka gaaray heleyna riyadeyda rasmiga ah❤️❤️❤️❤️ 



❤️❤️❤️❤️❤️Ilove you❤️❤️❤️❤️

Fariin Jaceyl❤️❤️,

••••••••fariiin๐Ÿ—ก•••••••

Xageyga waxaad ka tahay dahab qoroxdii wadada ii iftiimin laheyd, waxaad yeelatay oo xukuntay qeybta ugu muhiimsan qalbigeyga, waxaad bixisaa amarka uu dhiigeyga ku shaqeeyo , waxaad heysataa qeybta ugu muhiimsan dareenkeyga.

Waxaa awood u yeeltay hanashada qalbigeyga, soo jiidashada dareemaheyga iyo eegmada indhaheyga,  waxaan kuu hibeeyay dhamaan xubnaha jirkeyga anigoo ku xakumay in ay xabsi daa'in ku noqdaan aktaada, nolosheyda hal mid ayaan kaa hakray taas oo an in aan kuu ogolaado dhibaato, hadalka kaliya aan nolosheyda kaa qariyay waa beenta, mana kuu ogolaan doono marnava, hadii ay dhici laheyd waxaan ahaan lahaa wadnahaaga si aan kaaga ilaaliyo garaaca badan, hadii ay dhici laheyd waxaan ahaa lahaa gacantaada midig si aad waqti walbo iguugu salaaxdo dhabanaada, indhahaaga iyo dhamaan jirkaaga. 

Waxaa tahay daimond oo aan ku helay nasiibkeyga, waxaa tahay riyadeyda oo aan ku helay si kadis ah, waxaa tahay rajadeyda oo aan sugo daqiiqad walbo oo kamida nolosheyda, waxaa tahay fikirkeyga kaas oo aan ku saleeyo wax walbo oo wanaagsan, waxaa tahay indhaheyga aan marnaba u quurin in ay ilin katimaado, waxaa tahay wax walbo oo wanaagsan akteyda, waxaa tahay himilada xubin walbo oo jirkeyga kamida ay hikgsaneyso. 

Hadii aan kugu helaayo waxaan ku dhawaaqi lahaa magacaaga maalinta oo idil anigoo kugu riyoon lahaa habeenkii oo idil, in aan nokoshaada u dacwaado uma baahan doono qareyn sababtoo waxaa qareyn ij ah jaceylka aan kuu qabo, wax walbo oo dunida korkeeda ah waan kaa badbaadin lahaa sababto ah waxaan heystaa hubka aduunka ugu sareeyo oo ah jeceylkaaga. 

 Waan ku jeclahay 
Waan kujeclaan doonaa 
Waana kula soo xiriiri doona Inta ka harsan nolosheyda






Sunday, November 6, 2016

sheeko, sheeko. Baribaa waxaa jiri-jiray

 ••••••••••••••Kirishboy diin la'aa.•••••••

Gaari ayaa kabaxay Muqdisho isagoo kusii jeedo gobol kamida gobolada soomaali ay dagto, mar alaala markii uu dhex siimarayo  gaarigii ayaa waxxaa dhex ku qabsaday rooob yar aan badneeyn 

kahor roobka ayaa waxaa cirka soo xer-xeray daruur tilmaameyso in ay macquultahay in uu roob yimaado, Wadihii gaariga ayaa ku yiri Kirishboy shareeca meeshaan yaal qaad oo ku dabool gaariga, kirishboyga ayaa qaatay go'aanka Wadaha gaariga, kadib markii uu daboolay agabkii saarnaa gaariga, inyar kadib waxaa kala tagay daruurtii, Kirishboygii ayaa ka qaaday shareecii gaariga. 


10-daqiiqo kadib waxaa soo laabtay daruurtii, Kirishboygii ayaana daboolay gaarigii sidii hore silamida, hase ahaatee Daruurtii ayaa markale kala laabatay, kirishboygii ayaa ka qaaday shareeca gaariga. 

Mar sadaxaad waxaa sideydii hore usoo laabatay daruurtii, kirishboygii ayaa qabsadat shaqadiisii ooo waa uu daboolay gaarigii, inyar kadib waxaa kala fogaatay daruurtii, kirishboygii ayaa gaariga ka qaaday shareeca mar kale. 

Mar afaraad ayeey soo laabatay daruurtii, oo markaan aan waxba dhaamin tii hore, hase yeeshee kirishboygii oo daalnaa ayaa carooday markaan waxa uu go'aansaday in uusan waxba daboolin, waxaa silama filaan ah u yimid roob xoogan daqiiqadana qaatay, Kirishboygii oo careesan Ayaa yiri "war kaalay maanta alihii weynaa wiu jiifaaa, kii yaraa baa nagu ciyaarayo" !!!$

Subxanalah diin la'aanta dhib badan ayeey leedahay. 

Wednesday, November 2, 2016

Islaweynin, islaweynin, islaweynin

Isla weynin 

Isla weynin waa sifo si guud loo wada yaqaan lehna qaacido lagu raadin karo, waxaa tilmaami karo qof waayo arag ah ama wax badan ka yaqaan dabeecadaha dadka, waxaa jiro dad tiro yar hadana go'aamiyo waxyaabo eysan aqoon ulaheyn haba yaraatee qeyb kamida. 

Ma tilmaami rabi waxa la yiraah isla weynin mana faah-faahin doono micnaha ku hoos qarsoon. 

Waxaa jiro dabeecado kala duwan uu nooluhu leeyahay qaasatan bani aadamka taas oo aan iskuwada ekaan karin laga yabee in meelo kamida ay isku ekadaan, waxaa jiro karo dad dabeecado wanaagsan hada ayaga oo ismoodo in ay dabeecadooda adagtahay sidaasi darteetna uga go'a bulshada, ayagoo iska ilaalinayo qaladaad lagu qabto, sidaasi si lamidana waxaa jiri karo dad ay iyagana dabeecadooda u diidan lasocoshada asaagooda.

 macnaha hadlkeygana maah dabeecad ee waa ha go'aamin wax aadan aqoon u laheyn, qaladna haka galin qofna, waxaa laga yabaa in uu niyada kugu haayo ilaa noloshiisa ay ka go'ayso. 

Tuesday, November 1, 2016

Xumaan meel xun beey ku geysaa

Xumaan meel xun beey ku geysaa. 

Sida aad ka aragtobqoraalkaan xumaan kama hadli doono laakiin waxaan wax yar ka taaban doonaa waxyaabaha xumaha yar aad sameyso birina usababi karaan xumo ka balaadhan. 

Reer xamarka waxey yiraahdaan "gacan maanta 1-qaadaa birina 100-bey qaadaa" ulajeedkeyga maahan xumaantii ayaa la qaadayaa, hadii aad maanta qof xumaan ku raali galiso ogoow biri tii oo lalabo jibaaray buu rabaa. 

TUSAALE. 

Waxaan idiinka tusayaa isla fecebook, hadii maanta saaxiib kamida asxaabtaada uu soo qoro waxyaabo ay dhib tahay in Social Mediaha laga sheego, uu soo dhigo qoraal laga yax-yaxo aadna u dhibsanayaan umadaas meesha kuwada jirtaa, adigoo eegaya saaxiibtinimada kaala dhaxeyso qofkaas aad Like+Comment+share aad isugu darto, sababtana in qofku is yieaah aleylahee waxaad dhigtay qoraal aad magac ku heli karto ileyn somalida oo idil ayaa magac kalumee, ogoow taas ayaa sababi karto in aad saaxiibkaaga aad ku darto qoom xun-xun kana sheekeeya arimaha xun-xun, ogoow adigana iwaxaa laguugu tirin doonaa booska aad geysay saaxiibkaa. 

Sideed ku ogaan kartaa qofka ku jecel iyo sababaha uu ku jeclaadayy?

     Xaqiiqiyan waxaa jiro fikrado kala duwan oo ay leeyihiin aadanaha taas oo ay kukala  saaran karaan waxyaabaha ay fahmi waayaan, cid walbana si ayeey u fakartaa, ayadoo laga yaabo in koox-koox leysku raaco, daruuri maahan in aad ka hesho wax walbo oo aad aqriso, aragto ama Fal ah.

    ...................ma qeexi doono ereyga xulasho laakiin waxaan si caqliyan, ama fikir ahaan u sheegayaa sideed ku dareemi kartaa sida uu qofkaan ku jecel kugu xushay? HABKEE KU OGAAN KARTAA QOFKA KU JECEL SABABTA UU KUU DOORTAY.


Xulashada qofka waxey ku imaan kartaa sida uu markaas kuu arko ruuxa sida  Dabeecad, Qurux, Lacag, Dhaqan, Daganaan, Iskujifo ahaan IWM.

hadii aad rabto qofkaas waxuu kugu xushay in aad ogaato, taxliiji amaanta uu kuu sameeyo iyo sida uu mar walbo kugu fasiro asagoo ka warbaxinaayo sifooyinkaaga.๐Ÿ‘๐Ÿ‘๐Ÿ‘

Thursday, October 27, 2016

Tariikh kooban oo ku aadan daafaca birta ah ee Chelsea Kurt Zouma

         Magaciisa oo dhameystiran waa Kurt Happy Zouma waxuu dhashay 27-kii October 1994-kii, waa 22-sano jir  kasoo jeedo Wadanka France, Zouma waxuu ku dhashay Magaalada Lyon taa oo ku taalo Bariga-dhexe ee  France ahna magaalada sidaxaad ee ugu weyn France markii laga soo tago Paris and Marseille, Zouma dhererkiisu waa 1.90-Cent una dhiganta  6-ft 3-in, Zouma waxa uu ka cayaaraa Booska dhexe ee daafaca, Kahor ka ciyaaristiisa booska dhexe ee daafaca waxuu ka ciyaari jiray garabka midig ee daafaca intii u dhaxeesay 2003-09 kii kahor inta uusan soo aadin Saint-ร‰tienne 2009-kii.
 
         Zouma Saint-ร‰tienne
   

Zouma ayaa usoo amba baxay kooxda Saint-Etienne 2009-kii markaas uu kasoo dhaqaaqay Akdemiyada kooxdii uu kusoo bar-baaray ee Vaulx-en-Velin, Zouma ayaa ku biiray Yar-yarka kooxda Saint-Etienne, 2-sano kadib Zouma ayaa lagu abaal mariyay hishiis-kisii ugu horeeyay ee heer caalami ah 2-dii April 2011-kii markaas uu qalinka ku duugay hishiiis 3-sano ah, macalinkii xiligaas ee kooxda Saint-Etienne Christophe Galtier ayaa gartay in uu ciyaar-yahankaan usoo dalacsiiyo waaweynka kadib bandhig wanaagsan uu kasameeyay Kooxda B-da, Zouma ayaa saftay kulankiisii ugu horeeyay ee heer caalami isla sanadkaas 2011-ka isagoo 16-sano jir ah, kulan ay kooxdiisa la laheyd Bordeaux kulan katirsan Coupe de la Ligu kaas oo ay kooxdiisu ku atkaatay 3-1, isla bishii xigtay Zouma ayaa saftay kulankiisii ugu horeeyay Ligue1 ciyaar ay kooxdiisu soo gaartay guuldaro 3-0 ah, sikastaba ha ahaatee Zouma ayaa sii watay qaab-ciyaaredkiisa wacan ee uu ku qadaanayay kooxdiisa Saint-Etiene, 52-kulan ayuu u ciyaaray kooxda Saint-Etienne isagoo shabaqa usoo taabtay 4-jeer, waxuu la qaaday koobka Coupe de la Ligue: 2012–13-kii.

                  Zouma Chelsea  

 31-kii January 2014-kii Zouma ayaa soo aaday kooxda ka ciyaarto horyaalka Premier League ee TheBlues kadib £12 million oo ay kusooo iibsaday Zouma ayaana qalinka ugu duugay kooxda Chelsea 5-sano 1/2-bar hishiis ah, Zouma ayaa amaah lagu siiyay kooxda laga gaday ee Saint-Etienne, kadib soo aadistisii Chelsea Zouma  ayaa durba usaftay kooxda Chelsea kulan saaxiibtinimo oo ay la laheyd  Wycombe Wanderers kaas oo ku dhamaaday 2-1, Zouma ayaa sidoo kale Chelsea usaftay kulankiisii ugu horeeyay ee heer caalami 24-sep 2014-kii cayaar ay kooxdiisa la laheyd kooxda Bolton Wanderers wareega sidaxaad ee League Cup, Zouma ayaa goolka furitaanka ka dhaliyay isla kulankaas, kadib bandhigiisa joogtada uu sii watay Zouma ayaa noqday mid xubin muhiim ka ah Stamford Bridge, Zouma waa ciyaar-yahan katirsan kooxda Chelsea ilaa hada.

               



                           W/Q Hachiim Elmudaralo

Wednesday, October 26, 2016

Ereyo Jaceyl

                 
                     Jaceylka saxda ah ma dhinto, kaliya waxuu awood kasii qataa waqtiga    

                   


           Jaceylkaaga kuugu horeeyay ma'ahan  kaliya qofkii ugu horeeyay aad dhunkato,
                             qofkii ugu    horeeyay aad u riyaaaqdo iyo qofkii ugu
                                  horeeyay aad u xiisto ogoow  ogoow waa
                                      qofkii ugu horeeyay aad   ku marti
                                                   qaaday laabtaada    


        ku samritaanka xanuunka jaceylka waxey kuu horseedaa badhaadho iyo raxmad waarto 



                  wey adagtahay in aad hooyadaa aad ka dhaadhacsiso in aad ka weyntahay, 
                                sidaasi si lamida wey adagthay in qalbigaaga ka masaxdo 
                                                    qof aad si dhab ah ujeclaatay. 


                     way adagtahay in aad iska indho tirto ruuxa aad tahay, ogoow ogoow
                            iskama indho tiri kartit qof aad si dhab ah u jeceshahay


                           Jaceylka ma'ahan go'aan, laakiin waa dareen.


                     xoog yeelo marka aad daciif tahay tahay, geesi noqo                              
                         marka aad  cabsati  laakiin waxaa xaqiiq ah in
                              aadan isku atkeyn karin  qofka aad qalbiga ka  
                                                            jeceshahay













W/Q Hachiim Elmundaralo

Wax ka baro Tariikhda Adriano?

                       Magaciisa oo dhameystiran waa Adriano Correia Claro, waxuu dhashay 26-october 1984-kii, Adriano waxuu ku dhashay  magaalada Curitiba taas oo ku taalo dowlad goboleedka Brazilia ee wadanka Brazil, Adriano ayaa kubadiisa cagta kusoo bilaaway kooxda dalkiisa hooyo ee Curitiba football club taas oo ka dhisneyd isla magaaladii uu ku dhashay, Adriano ayaa usoo baxay waaweynka kooxda Curitiba sanadii 2002-da markaa uu bilaaway iciyaarihiisa rasmiga, 3-sano uu la joogay kooxda Curitiba waxuu saftay 81-kulan isagoo dhaliyay 2-gool. 

        dhaliyihii goolka furitaanka Uefacup Final 2007.

 Adriano ayaa kasoo dhaqaaqay dalkiisa 2005-tii markaas uu soo aaday xagaa iyo Yurub waxaa hishiis  is afgarad  kusoo qaadatay kooxda Sevillia, Adriano ayaa kusoo baxay ciyaar-yahan muhiim ka ah kooxdii uu majaraha u hayay macalinka reer spain hadase macalin u ah kooxda Malaga ee  Juande Ramos.  Adariano ayaa ayaa hishiis 4-sano ah usaxiixay kooxda 2006-dii, Adariano ayaa ahaa mid kamida daafacyada lafdhabarka u ahaa kooxda Sevillia sanadihii uu joogay, Adariano ayaa u dhaliyay 11-gool kooxda Sevillia 157-kulan uu u saftay sanadihii u dhaxeeyay 2005-10 kii, Adariano ayaa sidoo kale lagu xasuusan donaa in uu ahaa dhaliyihii goolka furitaanka ciyaar Final ah oo dhex-martay kooxaha Sevillia v ESpanyol UefaCup Fianl 2007-kii, hase ahaatee ma uusan raagin goolkisii oo waxaa dhagta soo qabtay Riera daqiiqadii  28-aad ee ciyaarta, ciyaartaas oo ugu dambeyn ay Sevillia koobka ku hanatay Rigoorayaal 3-1 ah. 


              Waqtigiisi Barcelona


16-kii july 2010-kii Ariano ayaa usoo wareegay kooxda Barcelona isagoo usaxiixay hishiis gaarayo 4+1 sano, Adriano ayaa Barca u xirtay numberka 21-aad ee Kooxda, kulankisii ugu horeeyay ee uu Barcelona u safto waxa uu ahaa kulan saaxiibtinimo kaas oo dhexmaray Kooxaha Barcelona iyo Vรฅlerenga Fotball kadib markii uu badal kusoo galay qeybtii dambe ee ciyaarta, Adriano ayaa sidoo kale Barcelona u saftay kulankisii ugu horeyay ee xeer-caalami ciyaar ay Barcelona guul-daro kala kulantay kooxda Sevillia lugta koobaad ee supercapka Spain, Adriano ayaa intaas wixii ka dambeeyay si caadi ah u dhameestay xili-ciyaaredkisii ugu horeeyay ee Barcellona, isagoo badal buuxa looga dhigay halyeeygii hore ee Barcelona Eric Abidal kaas oo ku dhawaaa waqtigiisa gabo-gabada kubadda cagta, Adariano ayaa Barcelona u saftay 189-kulan isagoo shabaqa soo taabtay 17-jeer, Adriano ayaa Barcelona isaga tagay 2016-ka isagoo aaday horyaalka Turkiga iyo kooxda Besiktas. 


              BRAZIL

 Adriano ayaa u ciyaaray xulka Brazil  intii u dhaxeesay 2003-da ilaa 2013, 17-kulan uu usaftay wax gool ah uma dhalin


         SHAQSIYAD AHAAN 


Adarino ayaa ku guuleystay 6-CopaDelRey 4-Supespanya, 3-UefasuperCup, 2-UefaCup, 4-laliga, 2-ChampionsLeague 2-FIFAClubWorldCup, xulka dalkiisana waxuu la qaaday 1-CpaAmerico 1-fifau20Cup. 


Tuesday, October 25, 2016

maxaad ka taqaanaa ciyaar-yahankii hore ee Real Madrid iyo xulalka  Croatia, Serbia, Slovenia, Bosnia and Herzegovina, Macedonia, Montenegro iyo Kosovo

                                             ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Magaciisa oo dhameystiran waa Predrag Mijatoviฤ‡, 19-kii January 1969-kii ayuu ku dhashay magaalada Titograd oo ku taalo  Yugoslavia, wadamada hada laka yiraahdo Croatia, Serbia, Slovenia, Bosnia and Herzegovina, Macedonia, Montenegro iyo Kosovo

                                              ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,  
Mijatovic ayaa ciyaaray boosas badan inta uu ku guda jiray kubadiisa cagta, waxaa kamida boosaska uu cayaaray: Garab, Qadka-dhexe iyo booska weerarka, Mijatovic ayaa ugu dambeyn noqday mid ka cayaara booska weerarka ah, markii uu kusoo baxay gool-dhaliye cajiib ah
         Mijatovic kubadiisa cagta waxuu  kasoo bilaabay kooxda dalkiisa hooyo ee Kom oo uu usoo ciyaaray intii u dhaxeesay 5-7 jirkiisa, Mijatovic ayaa sidoo kale usoo ciyaaray kooxaha Akadeemooyink kooxaha  Titograd iyo Buduฤ‡nost Titograd, kuwaas uu kasoo qaatay qibradihii ugu horeeyay uu ku dagaal tagi lahaa. Mijatovic ayaa kusoo biiray kooxda Buduฤ‡nost Titograd taas oo aheyd kooxdi ugu horeysay ee loo diiwaan galiyo 1987-kii, Mijatovic ayaa sidoo kale usoo ciyaaray  kooxaha Partizan, Valencia, Real Madrid, Fiorentina iyo kooxda Levante. ayaa dhamaan kooxahaas u dhaliyay goolal garaya 148-gool 433-kulan uu u saftay, kooxda uu goolsha ugu badan u dhaliyay waa kooxda Valencia asagoo u dhaliyay 56-gool tar-tamada oo idil, Mijatovic ayaa sidoo kale kooxda Real Madrid u dhaliyay 30-gool 90-kulan uu usaftay.
         Mijatovic ayaa ayaa sidoo kale u cayaaray xulka qaranka Yoguslavia kuwasoo hada isku badalay  Croatia, Serbia, Slovenia, Bosnia and Herzegovina, Macedonia, Montenegro iyo Kosovo 73-kualn uu usaftay xulka waxuu u dhaliyay 26-gool.  

       
 

XASUUSTA MIJATOVIC 

Mijatovic ayaa lagu xasuusan karaa inuu ahaa dhaliyahii goolka guusha ahaana goolka madiga ee Real Madrid ku qaaday Champions League kadib Fianl ay latimid kooxda Juventus sanadii 1998-kii, Mijatovic ayaa Amsterdam Arena kusoo dhaliyay gool ay kooxda Real Madrid ku noqotay Champion-ka Yurub Markedii 7-aad, ciyaartaas waxaa garoonka Amsterdam Arena ku sugnaa 48,500-taagerayaal ah. 

-------------------------------Guur-------------------waxaan ahay guur doon mana fahansani qaabka aan u xulan lahaa qofkii aan guursan lahaa

GUUR.

qof walbo oo dunidaan korkeeda saaran ee ah LAB ama Dhadig waxuu hamiyaa in uu aqal galo si uu uga baxo nolosha bilaa raaxada ah, si uu uhelo ubad uu isaga dhalay, si uu u dhiso qoyss isaga hoos yimaado.waxaa lagu kala duwanyahay qaabka loo xusho lamaanaha. Jaceyl, Qurux, Lacag waa waxyaabah ugu badan uu ku dhiirado in uu wax ku xusho qof walbo oo xur ah, waxaaa jiro Dhoofin oo soomaalida baryahaan wax ku xushaan lagana yaabo in wadamo badan ay sidaasi ka jirto.

Waxaa jiro mowjado ka dhexguuxayo qalbiga qofka nolol doonka ah, taas oo ah in uu isweydiiyo sideed ku heli kartaa zowj/zowjad wanaagsan oo aad nolosha la qeebsato. inkastoo oo ay ragu 70% maareeyaan doorashada ruux wanaagsan, waxaa jiro dumar dhan 80% oo ku wareera xulida Aabaha caruurtooda, hadaba hadii aan talo siiyo hablaha iminka guur doonka ah.


{SAHAN KU GUUR, SAHANA KU GUURSO} waa hadal ay si gaaban wax isugu sheegi jireyn somalidii hore, gabadh yaheey waxaad ka baqdaa in uu kugu soo aado nin Cadho-badan, ku furaayo ama kuLa guursado maka fakartay sida aad ku heli karto ninka aad dooneyso oo ah nin Dabeecad, Dhaqan, Qurux, Dhallinyarnimo iyo Lacag intuba isku darsaday??? waxaad ku heli kartaa in aad asturto jidhkaaga, aad ku xafidnaato gurigaaga. Gabadha uu nin walbo hamiyo waa tan ku asturan guriga hooyadeyd aanan laga helin Laamiyada, wadooyinka iyo meelaha aan munaasabka aheyn


Fariin jaceyl oo dhuuxa taabaneyso, Hachiim

                           ----------FARIIN JACEYL.---------


Waxaad tahay wax walba oo aan weligood u baahan lahaa,In ka badan waxa iqalma ama dheeraad ahaan lahaa oo aan rabo. 

Adigu waxaad ii tahay iftiin, waxaa ii tahay gabdha riyadeyda, 
Aad ayaan ugu mahadcelinayaa maalin kasta in aad tahay dunida oo dhan. Markii aan ku arko sida runta ah qalbigayga wu gabyaa. Waxaan kuu xaqiijinayaa in aan kuu jeclahay sida aad ogtahay si ka fog.



My mid, My kaliya, My WAX KASTA.