Thursday, October 27, 2016

Tariikh kooban oo ku aadan daafaca birta ah ee Chelsea Kurt Zouma

         Magaciisa oo dhameystiran waa Kurt Happy Zouma waxuu dhashay 27-kii October 1994-kii, waa 22-sano jir  kasoo jeedo Wadanka France, Zouma waxuu ku dhashay Magaalada Lyon taa oo ku taalo Bariga-dhexe ee  France ahna magaalada sidaxaad ee ugu weyn France markii laga soo tago Paris and Marseille, Zouma dhererkiisu waa 1.90-Cent una dhiganta  6-ft 3-in, Zouma waxa uu ka cayaaraa Booska dhexe ee daafaca, Kahor ka ciyaaristiisa booska dhexe ee daafaca waxuu ka ciyaari jiray garabka midig ee daafaca intii u dhaxeesay 2003-09 kii kahor inta uusan soo aadin Saint-Étienne 2009-kii.
 
         Zouma Saint-Étienne
   

Zouma ayaa usoo amba baxay kooxda Saint-Etienne 2009-kii markaas uu kasoo dhaqaaqay Akdemiyada kooxdii uu kusoo bar-baaray ee Vaulx-en-Velin, Zouma ayaa ku biiray Yar-yarka kooxda Saint-Etienne, 2-sano kadib Zouma ayaa lagu abaal mariyay hishiis-kisii ugu horeeyay ee heer caalami ah 2-dii April 2011-kii markaas uu qalinka ku duugay hishiiis 3-sano ah, macalinkii xiligaas ee kooxda Saint-Etienne Christophe Galtier ayaa gartay in uu ciyaar-yahankaan usoo dalacsiiyo waaweynka kadib bandhig wanaagsan uu kasameeyay Kooxda B-da, Zouma ayaa saftay kulankiisii ugu horeeyay ee heer caalami isla sanadkaas 2011-ka isagoo 16-sano jir ah, kulan ay kooxdiisa la laheyd Bordeaux kulan katirsan Coupe de la Ligu kaas oo ay kooxdiisu ku atkaatay 3-1, isla bishii xigtay Zouma ayaa saftay kulankiisii ugu horeeyay Ligue1 ciyaar ay kooxdiisu soo gaartay guuldaro 3-0 ah, sikastaba ha ahaatee Zouma ayaa sii watay qaab-ciyaaredkiisa wacan ee uu ku qadaanayay kooxdiisa Saint-Etiene, 52-kulan ayuu u ciyaaray kooxda Saint-Etienne isagoo shabaqa usoo taabtay 4-jeer, waxuu la qaaday koobka Coupe de la Ligue: 2012–13-kii.

                  Zouma Chelsea  

 31-kii January 2014-kii Zouma ayaa soo aaday kooxda ka ciyaarto horyaalka Premier League ee TheBlues kadib £12 million oo ay kusooo iibsaday Zouma ayaana qalinka ugu duugay kooxda Chelsea 5-sano 1/2-bar hishiis ah, Zouma ayaa amaah lagu siiyay kooxda laga gaday ee Saint-Etienne, kadib soo aadistisii Chelsea Zouma  ayaa durba usaftay kooxda Chelsea kulan saaxiibtinimo oo ay la laheyd  Wycombe Wanderers kaas oo ku dhamaaday 2-1, Zouma ayaa sidoo kale Chelsea usaftay kulankiisii ugu horeeyay ee heer caalami 24-sep 2014-kii cayaar ay kooxdiisa la laheyd kooxda Bolton Wanderers wareega sidaxaad ee League Cup, Zouma ayaa goolka furitaanka ka dhaliyay isla kulankaas, kadib bandhigiisa joogtada uu sii watay Zouma ayaa noqday mid xubin muhiim ka ah Stamford Bridge, Zouma waa ciyaar-yahan katirsan kooxda Chelsea ilaa hada.

               



                           W/Q Hachiim Elmudaralo

Wednesday, October 26, 2016

Ereyo Jaceyl

                 
                     Jaceylka saxda ah ma dhinto, kaliya waxuu awood kasii qataa waqtiga    

                   


           Jaceylkaaga kuugu horeeyay ma'ahan  kaliya qofkii ugu horeeyay aad dhunkato,
                             qofkii ugu    horeeyay aad u riyaaaqdo iyo qofkii ugu
                                  horeeyay aad u xiisto ogoow  ogoow waa
                                      qofkii ugu horeeyay aad   ku marti
                                                   qaaday laabtaada    


        ku samritaanka xanuunka jaceylka waxey kuu horseedaa badhaadho iyo raxmad waarto 



                  wey adagtahay in aad hooyadaa aad ka dhaadhacsiso in aad ka weyntahay, 
                                sidaasi si lamida wey adagthay in qalbigaaga ka masaxdo 
                                                    qof aad si dhab ah ujeclaatay. 


                     way adagtahay in aad iska indho tirto ruuxa aad tahay, ogoow ogoow
                            iskama indho tiri kartit qof aad si dhab ah u jeceshahay


                           Jaceylka ma'ahan go'aan, laakiin waa dareen.


                     xoog yeelo marka aad daciif tahay tahay, geesi noqo                              
                         marka aad  cabsati  laakiin waxaa xaqiiq ah in
                              aadan isku atkeyn karin  qofka aad qalbiga ka  
                                                            jeceshahay













W/Q Hachiim Elmundaralo

Wax ka baro Tariikhda Adriano?

                       Magaciisa oo dhameystiran waa Adriano Correia Claro, waxuu dhashay 26-october 1984-kii, Adriano waxuu ku dhashay  magaalada Curitiba taas oo ku taalo dowlad goboleedka Brazilia ee wadanka Brazil, Adriano ayaa kubadiisa cagta kusoo bilaaway kooxda dalkiisa hooyo ee Curitiba football club taas oo ka dhisneyd isla magaaladii uu ku dhashay, Adriano ayaa usoo baxay waaweynka kooxda Curitiba sanadii 2002-da markaa uu bilaaway iciyaarihiisa rasmiga, 3-sano uu la joogay kooxda Curitiba waxuu saftay 81-kulan isagoo dhaliyay 2-gool. 

        dhaliyihii goolka furitaanka Uefacup Final 2007.

 Adriano ayaa kasoo dhaqaaqay dalkiisa 2005-tii markaas uu soo aaday xagaa iyo Yurub waxaa hishiis  is afgarad  kusoo qaadatay kooxda Sevillia, Adriano ayaa kusoo baxay ciyaar-yahan muhiim ka ah kooxdii uu majaraha u hayay macalinka reer spain hadase macalin u ah kooxda Malaga ee  Juande Ramos.  Adariano ayaa ayaa hishiis 4-sano ah usaxiixay kooxda 2006-dii, Adariano ayaa ahaa mid kamida daafacyada lafdhabarka u ahaa kooxda Sevillia sanadihii uu joogay, Adariano ayaa u dhaliyay 11-gool kooxda Sevillia 157-kulan uu u saftay sanadihii u dhaxeeyay 2005-10 kii, Adariano ayaa sidoo kale lagu xasuusan donaa in uu ahaa dhaliyihii goolka furitaanka ciyaar Final ah oo dhex-martay kooxaha Sevillia v ESpanyol UefaCup Fianl 2007-kii, hase ahaatee ma uusan raagin goolkisii oo waxaa dhagta soo qabtay Riera daqiiqadii  28-aad ee ciyaarta, ciyaartaas oo ugu dambeyn ay Sevillia koobka ku hanatay Rigoorayaal 3-1 ah. 


              Waqtigiisi Barcelona


16-kii july 2010-kii Ariano ayaa usoo wareegay kooxda Barcelona isagoo usaxiixay hishiis gaarayo 4+1 sano, Adriano ayaa Barca u xirtay numberka 21-aad ee Kooxda, kulankisii ugu horeeyay ee uu Barcelona u safto waxa uu ahaa kulan saaxiibtinimo kaas oo dhexmaray Kooxaha Barcelona iyo Vålerenga Fotball kadib markii uu badal kusoo galay qeybtii dambe ee ciyaarta, Adriano ayaa sidoo kale Barcelona u saftay kulankisii ugu horeyay ee xeer-caalami ciyaar ay Barcelona guul-daro kala kulantay kooxda Sevillia lugta koobaad ee supercapka Spain, Adriano ayaa intaas wixii ka dambeeyay si caadi ah u dhameestay xili-ciyaaredkisii ugu horeeyay ee Barcellona, isagoo badal buuxa looga dhigay halyeeygii hore ee Barcelona Eric Abidal kaas oo ku dhawaaa waqtigiisa gabo-gabada kubadda cagta, Adariano ayaa Barcelona u saftay 189-kulan isagoo shabaqa soo taabtay 17-jeer, Adriano ayaa Barcelona isaga tagay 2016-ka isagoo aaday horyaalka Turkiga iyo kooxda Besiktas. 


              BRAZIL

 Adriano ayaa u ciyaaray xulka Brazil  intii u dhaxeesay 2003-da ilaa 2013, 17-kulan uu usaftay wax gool ah uma dhalin


         SHAQSIYAD AHAAN 


Adarino ayaa ku guuleystay 6-CopaDelRey 4-Supespanya, 3-UefasuperCup, 2-UefaCup, 4-laliga, 2-ChampionsLeague 2-FIFAClubWorldCup, xulka dalkiisana waxuu la qaaday 1-CpaAmerico 1-fifau20Cup. 


Tuesday, October 25, 2016

maxaad ka taqaanaa ciyaar-yahankii hore ee Real Madrid iyo xulalka  Croatia, Serbia, Slovenia, Bosnia and Herzegovina, Macedonia, Montenegro iyo Kosovo

                                             ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Magaciisa oo dhameystiran waa Predrag Mijatović, 19-kii January 1969-kii ayuu ku dhashay magaalada Titograd oo ku taalo  Yugoslavia, wadamada hada laka yiraahdo Croatia, Serbia, Slovenia, Bosnia and Herzegovina, Macedonia, Montenegro iyo Kosovo

                                              ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,  
Mijatovic ayaa ciyaaray boosas badan inta uu ku guda jiray kubadiisa cagta, waxaa kamida boosaska uu cayaaray: Garab, Qadka-dhexe iyo booska weerarka, Mijatovic ayaa ugu dambeyn noqday mid ka cayaara booska weerarka ah, markii uu kusoo baxay gool-dhaliye cajiib ah
         Mijatovic kubadiisa cagta waxuu  kasoo bilaabay kooxda dalkiisa hooyo ee Kom oo uu usoo ciyaaray intii u dhaxeesay 5-7 jirkiisa, Mijatovic ayaa sidoo kale usoo ciyaaray kooxaha Akadeemooyink kooxaha  Titograd iyo Budućnost Titograd, kuwaas uu kasoo qaatay qibradihii ugu horeeyay uu ku dagaal tagi lahaa. Mijatovic ayaa kusoo biiray kooxda Budućnost Titograd taas oo aheyd kooxdi ugu horeysay ee loo diiwaan galiyo 1987-kii, Mijatovic ayaa sidoo kale usoo ciyaaray  kooxaha Partizan, Valencia, Real Madrid, Fiorentina iyo kooxda Levante. ayaa dhamaan kooxahaas u dhaliyay goolal garaya 148-gool 433-kulan uu u saftay, kooxda uu goolsha ugu badan u dhaliyay waa kooxda Valencia asagoo u dhaliyay 56-gool tar-tamada oo idil, Mijatovic ayaa sidoo kale kooxda Real Madrid u dhaliyay 30-gool 90-kulan uu usaftay.
         Mijatovic ayaa ayaa sidoo kale u cayaaray xulka qaranka Yoguslavia kuwasoo hada isku badalay  Croatia, Serbia, Slovenia, Bosnia and Herzegovina, Macedonia, Montenegro iyo Kosovo 73-kualn uu usaftay xulka waxuu u dhaliyay 26-gool.  

       
 

XASUUSTA MIJATOVIC 

Mijatovic ayaa lagu xasuusan karaa inuu ahaa dhaliyahii goolka guusha ahaana goolka madiga ee Real Madrid ku qaaday Champions League kadib Fianl ay latimid kooxda Juventus sanadii 1998-kii, Mijatovic ayaa Amsterdam Arena kusoo dhaliyay gool ay kooxda Real Madrid ku noqotay Champion-ka Yurub Markedii 7-aad, ciyaartaas waxaa garoonka Amsterdam Arena ku sugnaa 48,500-taagerayaal ah. 

-------------------------------Guur-------------------waxaan ahay guur doon mana fahansani qaabka aan u xulan lahaa qofkii aan guursan lahaa

GUUR.

qof walbo oo dunidaan korkeeda saaran ee ah LAB ama Dhadig waxuu hamiyaa in uu aqal galo si uu uga baxo nolosha bilaa raaxada ah, si uu uhelo ubad uu isaga dhalay, si uu u dhiso qoyss isaga hoos yimaado.waxaa lagu kala duwanyahay qaabka loo xusho lamaanaha. Jaceyl, Qurux, Lacag waa waxyaabah ugu badan uu ku dhiirado in uu wax ku xusho qof walbo oo xur ah, waxaaa jiro Dhoofin oo soomaalida baryahaan wax ku xushaan lagana yaabo in wadamo badan ay sidaasi ka jirto.

Waxaa jiro mowjado ka dhexguuxayo qalbiga qofka nolol doonka ah, taas oo ah in uu isweydiiyo sideed ku heli kartaa zowj/zowjad wanaagsan oo aad nolosha la qeebsato. inkastoo oo ay ragu 70% maareeyaan doorashada ruux wanaagsan, waxaa jiro dumar dhan 80% oo ku wareera xulida Aabaha caruurtooda, hadaba hadii aan talo siiyo hablaha iminka guur doonka ah.


{SAHAN KU GUUR, SAHANA KU GUURSO} waa hadal ay si gaaban wax isugu sheegi jireyn somalidii hore, gabadh yaheey waxaad ka baqdaa in uu kugu soo aado nin Cadho-badan, ku furaayo ama kuLa guursado maka fakartay sida aad ku heli karto ninka aad dooneyso oo ah nin Dabeecad, Dhaqan, Qurux, Dhallinyarnimo iyo Lacag intuba isku darsaday??? waxaad ku heli kartaa in aad asturto jidhkaaga, aad ku xafidnaato gurigaaga. Gabadha uu nin walbo hamiyo waa tan ku asturan guriga hooyadeyd aanan laga helin Laamiyada, wadooyinka iyo meelaha aan munaasabka aheyn


Fariin jaceyl oo dhuuxa taabaneyso, Hachiim

                           ----------FARIIN JACEYL.---------


Waxaad tahay wax walba oo aan weligood u baahan lahaa,In ka badan waxa iqalma ama dheeraad ahaan lahaa oo aan rabo. 

Adigu waxaad ii tahay iftiin, waxaa ii tahay gabdha riyadeyda, 
Aad ayaan ugu mahadcelinayaa maalin kasta in aad tahay dunida oo dhan. Markii aan ku arko sida runta ah qalbigayga wu gabyaa. Waxaan kuu xaqiijinayaa in aan kuu jeclahay sida aad ogtahay si ka fog.



My mid, My kaliya, My WAX KASTA.