Thursday, October 27, 2016

Tariikh kooban oo ku aadan daafaca birta ah ee Chelsea Kurt Zouma

         Magaciisa oo dhameystiran waa Kurt Happy Zouma waxuu dhashay 27-kii October 1994-kii, waa 22-sano jir  kasoo jeedo Wadanka France, Zouma waxuu ku dhashay Magaalada Lyon taa oo ku taalo Bariga-dhexe ee  France ahna magaalada sidaxaad ee ugu weyn France markii laga soo tago Paris and Marseille, Zouma dhererkiisu waa 1.90-Cent una dhiganta  6-ft 3-in, Zouma waxa uu ka cayaaraa Booska dhexe ee daafaca, Kahor ka ciyaaristiisa booska dhexe ee daafaca waxuu ka ciyaari jiray garabka midig ee daafaca intii u dhaxeesay 2003-09 kii kahor inta uusan soo aadin Saint-Étienne 2009-kii.
 
         Zouma Saint-Étienne
   

Zouma ayaa usoo amba baxay kooxda Saint-Etienne 2009-kii markaas uu kasoo dhaqaaqay Akdemiyada kooxdii uu kusoo bar-baaray ee Vaulx-en-Velin, Zouma ayaa ku biiray Yar-yarka kooxda Saint-Etienne, 2-sano kadib Zouma ayaa lagu abaal mariyay hishiis-kisii ugu horeeyay ee heer caalami ah 2-dii April 2011-kii markaas uu qalinka ku duugay hishiiis 3-sano ah, macalinkii xiligaas ee kooxda Saint-Etienne Christophe Galtier ayaa gartay in uu ciyaar-yahankaan usoo dalacsiiyo waaweynka kadib bandhig wanaagsan uu kasameeyay Kooxda B-da, Zouma ayaa saftay kulankiisii ugu horeeyay ee heer caalami isla sanadkaas 2011-ka isagoo 16-sano jir ah, kulan ay kooxdiisa la laheyd Bordeaux kulan katirsan Coupe de la Ligu kaas oo ay kooxdiisu ku atkaatay 3-1, isla bishii xigtay Zouma ayaa saftay kulankiisii ugu horeeyay Ligue1 ciyaar ay kooxdiisu soo gaartay guuldaro 3-0 ah, sikastaba ha ahaatee Zouma ayaa sii watay qaab-ciyaaredkiisa wacan ee uu ku qadaanayay kooxdiisa Saint-Etiene, 52-kulan ayuu u ciyaaray kooxda Saint-Etienne isagoo shabaqa usoo taabtay 4-jeer, waxuu la qaaday koobka Coupe de la Ligue: 2012–13-kii.

                  Zouma Chelsea  

 31-kii January 2014-kii Zouma ayaa soo aaday kooxda ka ciyaarto horyaalka Premier League ee TheBlues kadib £12 million oo ay kusooo iibsaday Zouma ayaana qalinka ugu duugay kooxda Chelsea 5-sano 1/2-bar hishiis ah, Zouma ayaa amaah lagu siiyay kooxda laga gaday ee Saint-Etienne, kadib soo aadistisii Chelsea Zouma  ayaa durba usaftay kooxda Chelsea kulan saaxiibtinimo oo ay la laheyd  Wycombe Wanderers kaas oo ku dhamaaday 2-1, Zouma ayaa sidoo kale Chelsea usaftay kulankiisii ugu horeeyay ee heer caalami 24-sep 2014-kii cayaar ay kooxdiisa la laheyd kooxda Bolton Wanderers wareega sidaxaad ee League Cup, Zouma ayaa goolka furitaanka ka dhaliyay isla kulankaas, kadib bandhigiisa joogtada uu sii watay Zouma ayaa noqday mid xubin muhiim ka ah Stamford Bridge, Zouma waa ciyaar-yahan katirsan kooxda Chelsea ilaa hada.

               



                           W/Q Hachiim Elmudaralo

No comments: