Monday, November 28, 2016

❤️❤️Geeraar aan caadi aheyn❤️❤️

Anigoo ah Adminka Blog aan waxaa qoray geeraar aad u qiimo badan anigoo u tiriyay gabadh qiimo, qadarin iyo xasuus iga mudan magaceeduna aad ka dhex arki doontaan bilowga sadar walbo oo kamida geeraarka *ifraax*



Gacalooy ifraaxeey 
Indhahaga daimonka 
Dhexdaada taakada 
Qosolkaada quruxda badan. 
Daganida lagu laray 
Waa waxa i qaadoo 
Kaaga soocday dumarkoo 



Gacalooy ifraaxeey 
Dumar gaaridoodaay 
Dhaayaha u rooneey 
Saqdii dhexe habeeynkii 
Subax iyo galabtuba 
Kugu qarwaa marar badan 


Gacalooy ifraaxey 
Dheymantii hablaadeey  
Xishoodkiyo wanaaguba 
Tii iga muteesataay  
Ma mid kula midaa jirto 

Gacalooy ifraaxeey 
Qosolkiyo quruxduba 
Waa mid kuu gooniyo 
Hablaha dhamaantood 
Mid kugu gaarto aanan jirin 

Gacaloow ifraaxey 
Wacadkaaga oofintaa   
Edebtiyo asluubtiyo 
Waa waxa i qaadoo 
Daraaha korkoodiyo 
Igu tuuray meel sare 

Gacalooy ifraaxeey 
Hadal sami wanaagaa 
Intaan dumar arkayay 
Hadalkiyo hasaawuhuba    
Tii ugu fircooneyd 
Hibo iyo udgoon badan 
Ku maneystay mowluha 
Cizi iyo sharaf 
Igu mudantahay macaaney