Tuesday, November 22, 2016

Waxaad ka nuurbadantahay isku darka dayaxa iyo xidigaha marka loo eego iftiinka aad qalbigega ka daar

Waxaan qiyaasaya in aad ka nuur badantahay isku darka dayaxa iyo xidigaha marka loo eego iftiinka aad ka shiday gudaha qalbigeyga. 

Ma arag wax ka macaan badan hadalkaaga, ma arag wax aan la bar-bardhigi karo quruxdaada taas oo gaartay heer ay gilgisho iskuna darto dareemaheyga, waxaad iiga muhiimsantahay dhamaan qeybaha jirkeyga, dartaada waan usaari lahaa Wadnaheyga hadii aan sii noolaan lahaa oo aysan cabsi ka jiri laheyn ku raagida koonkaan. 

Nasashada qalbigeyga waxuu ku imaan karaa in aan maqlo codkaaga quruxda badan, waxaan u kuur galay in aan maalin   joogi karo la'aantada balse waxaa cidhiidhi igu noqotay neefta markii aan marayay rubac kamida maalinta kadib ayaan kusoo wacay si aan u helo 
Oxygen-kaaga, xaqiiqdi ma tijaabin karo in aan seexdo anigoo maqal codkaaga oo waxaan ka baqayaaa in aan adiga ku waayo. 

Cabsida ugu badan oo ay soo tabiso maskaxdeyda ayaa ah in aan adiga ku calfan waayo taas oo i ah nasiib daro tii iguugu xumeyd ee igu dhacdo nolosheyda. 

Hadii aan isku dayo is bar-bar dhigida quruxdaada iyo tan Daimond-ka waxaan ka baqayaa in aan arki waayo Daimond-ka, ma jiroh ruux aan kugu doorsanaayo inta aan noolahay taas oo macnaheydu tahay in aad adiga ileedahay, waxaad xur utahay xukunka lafaheyga, jirkeyga iyo maskaxdeyda waxaad u adeegsan karta sidaa doonto. 

Macaan adig ayaa ileh, adiga ayaaa ku jeclahay habeeyn iyo maalin

No comments: