Sunday, November 6, 2016

sheeko, sheeko. Baribaa waxaa jiri-jiray

 ••••••••••••••Kirishboy diin la'aa.•••••••

Gaari ayaa kabaxay Muqdisho isagoo kusii jeedo gobol kamida gobolada soomaali ay dagto, mar alaala markii uu dhex siimarayo  gaarigii ayaa waxxaa dhex ku qabsaday rooob yar aan badneeyn 

kahor roobka ayaa waxaa cirka soo xer-xeray daruur tilmaameyso in ay macquultahay in uu roob yimaado, Wadihii gaariga ayaa ku yiri Kirishboy shareeca meeshaan yaal qaad oo ku dabool gaariga, kirishboyga ayaa qaatay go'aanka Wadaha gaariga, kadib markii uu daboolay agabkii saarnaa gaariga, inyar kadib waxaa kala tagay daruurtii, Kirishboygii ayaa ka qaaday shareecii gaariga. 


10-daqiiqo kadib waxaa soo laabtay daruurtii, Kirishboygii ayaana daboolay gaarigii sidii hore silamida, hase ahaatee Daruurtii ayaa markale kala laabatay, kirishboygii ayaa ka qaaday shareeca gaariga. 

Mar sadaxaad waxaa sideydii hore usoo laabatay daruurtii, kirishboygii ayaa qabsadat shaqadiisii ooo waa uu daboolay gaarigii, inyar kadib waxaa kala fogaatay daruurtii, kirishboygii ayaa gaariga ka qaaday shareeca mar kale. 

Mar afaraad ayeey soo laabatay daruurtii, oo markaan aan waxba dhaamin tii hore, hase yeeshee kirishboygii oo daalnaa ayaa carooday markaan waxa uu go'aansaday in uusan waxba daboolin, waxaa silama filaan ah u yimid roob xoogan daqiiqadana qaatay, Kirishboygii oo careesan Ayaa yiri "war kaalay maanta alihii weynaa wiu jiifaaa, kii yaraa baa nagu ciyaarayo" !!!$

Subxanalah diin la'aanta dhib badan ayeey leedahay. 

No comments: