Monday, November 28, 2016

❤️❤️Geeraar aan caadi aheyn❤️❤️

Anigoo ah Adminka Blog aan waxaa qoray geeraar aad u qiimo badan anigoo u tiriyay gabadh qiimo, qadarin iyo xasuus iga mudan magaceeduna aad ka dhex arki doontaan bilowga sadar walbo oo kamida geeraarka *ifraax*



Gacalooy ifraaxeey 
Indhahaga daimonka 
Dhexdaada taakada 
Qosolkaada quruxda badan. 
Daganida lagu laray 
Waa waxa i qaadoo 
Kaaga soocday dumarkoo 



Gacalooy ifraaxeey 
Dumar gaaridoodaay 
Dhaayaha u rooneey 
Saqdii dhexe habeeynkii 
Subax iyo galabtuba 
Kugu qarwaa marar badan 


Gacalooy ifraaxey 
Dheymantii hablaadeey  
Xishoodkiyo wanaaguba 
Tii iga muteesataay  
Ma mid kula midaa jirto 

Gacalooy ifraaxeey 
Qosolkiyo quruxduba 
Waa mid kuu gooniyo 
Hablaha dhamaantood 
Mid kugu gaarto aanan jirin 

Gacaloow ifraaxey 
Wacadkaaga oofintaa   
Edebtiyo asluubtiyo 
Waa waxa i qaadoo 
Daraaha korkoodiyo 
Igu tuuray meel sare 

Gacalooy ifraaxeey 
Hadal sami wanaagaa 
Intaan dumar arkayay 
Hadalkiyo hasaawuhuba    
Tii ugu fircooneyd 
Hibo iyo udgoon badan 
Ku maneystay mowluha 
Cizi iyo sharaf 
Igu mudantahay macaaney

πŸ’›πŸ’›geeraarπŸ’›πŸ’›JaceylπŸ’›πŸ’›πŸ’›


πŸ’›πŸ’›Geerar JaceylπŸ’›πŸ’›πŸ’›


Macaaney
Daaraha aduunyada 
Hadii doolar ley keeno 
Dinaarna leygu daro 
Midna dooran maayo 
Kaa dareeri mayee 
Intaad dunida noolahay  
Dareenkeygu joogoo 
Daa'in waxaan ka tuugaa 
Daimontii jecladee 
Dumar ugu wacneedee 
Igugu deeqo dunida. ❤️❤️❤️ 

Dhambaal Jaceyl



•••dhambaal Jaceyl••••••


"Waxaad ka weyntahay kana qiimo badantahay cid alaala iyo dhamaan intii nolosheyda soo martay, waxaa kuu istaagay oo ku sharfay dhamaan Buuraha, dhirta iyo dhagaxyada waxaa ku sacabtumay kaana raali noqday dhamaan noolaha ku dhex nool  agagaarka qalbigeyga." Macaan waan ku jecelahay

Tuesday, November 22, 2016

Waxaad ka nuurbadantahay isku darka dayaxa iyo xidigaha marka loo eego iftiinka aad qalbigega ka daar

Waxaan qiyaasaya in aad ka nuur badantahay isku darka dayaxa iyo xidigaha marka loo eego iftiinka aad ka shiday gudaha qalbigeyga. 

Ma arag wax ka macaan badan hadalkaaga, ma arag wax aan la bar-bardhigi karo quruxdaada taas oo gaartay heer ay gilgisho iskuna darto dareemaheyga, waxaad iiga muhiimsantahay dhamaan qeybaha jirkeyga, dartaada waan usaari lahaa Wadnaheyga hadii aan sii noolaan lahaa oo aysan cabsi ka jiri laheyn ku raagida koonkaan. 

Nasashada qalbigeyga waxuu ku imaan karaa in aan maqlo codkaaga quruxda badan, waxaan u kuur galay in aan maalin   joogi karo la'aantada balse waxaa cidhiidhi igu noqotay neefta markii aan marayay rubac kamida maalinta kadib ayaan kusoo wacay si aan u helo 
Oxygen-kaaga, xaqiiqdi ma tijaabin karo in aan seexdo anigoo maqal codkaaga oo waxaan ka baqayaaa in aan adiga ku waayo. 

Cabsida ugu badan oo ay soo tabiso maskaxdeyda ayaa ah in aan adiga ku calfan waayo taas oo i ah nasiib daro tii iguugu xumeyd ee igu dhacdo nolosheyda. 

Hadii aan isku dayo is bar-bar dhigida quruxdaada iyo tan Daimond-ka waxaan ka baqayaa in aan arki waayo Daimond-ka, ma jiroh ruux aan kugu doorsanaayo inta aan noolahay taas oo macnaheydu tahay in aad adiga ileedahay, waxaad xur utahay xukunka lafaheyga, jirkeyga iyo maskaxdeyda waxaad u adeegsan karta sidaa doonto. 

Macaan adig ayaa ileh, adiga ayaaa ku jeclahay habeeyn iyo maalin

Monday, November 21, 2016

πŸ’ŸπŸ’ŸπŸ’ŸfariinπŸ’“πŸ’“jaceylπŸ’•πŸ’•


πŸ’›πŸ’›πŸ’›πŸ’›πŸ’›πŸ’›πŸ’›πŸ’›fariinπŸ’œπŸ’œπŸ’œjaceylπŸ’ŸπŸ’ŸπŸ’ŸπŸ’Ÿ


Waxaa xaqiiq ah in rabitaanka nololeed ee ka jira nafteyda kaas oo aan u haayo noloshaada  in uusan ku saleysneyn kaliya Mid jismiyeed oo uu ka weynyahay gaarsisanyahayna ilaa heer aad u sareeyo.

Waxaan kuu xaqiiqjinayaa in aan maalintii ugu dambeesay message aan kusoo qoray ayagoo ay tageen dhamaan dareemaha jirkeyga oo uu message-kaas qorayay wax ka weyn gacanteyda iyo maskaxdeyda kaas oo aan ku macneeyay in uu ahaa jaceylka xad dhaafka ah ee an u qabo la noolashahaada. 

Waxaad iga mudantahay xilo, xanaaneyn iyo dhowrid ka badan inta ay iga mudanyihiin dhamaan noolaha dul saaran dunida, ma qarinkaraan Buuraha, jamalada iyo dhirta dunida weynida jaceylka aan kuu qabo. 

Kukalsoonida nafsadeyda in ay hanan karto noloshaada waa mid aad u sareyso, taas oo aan ku sababeyn karo in jaceylka aan kuu qabo kaa badbaadin karo dhibaato walbo oo adiga kusoo wajahdo. 

Waxaa jiro qolooyin ku dagaalamayo kuwaas oo kawada tirsan rajo hadana isku heysta soo da-dajinta aqalkeena. 

Macaan, gcliso, Xabiibti ogoow waxaad i tahay nuurka indhaheyga

Sunday, November 13, 2016

❤️☀️☀️Farin ka socoto laab wax jecel⭐️ Kusocoto qof la jecelyahay❤️❤️☀️☀️

☀️fariin Jaceyl kusocoto qof la jecelyahay☀️.

In aan kugu yeero Mcn, gcliso, xubi iyo Wax yaabo lamida Macno weyn iguuguma fadhido sababto ah waxaa tahay macalimada nolosheyda isoo marto waxaadna u qalanta in aan kuu istaago mar alaala markii aan ku arko, waxaad mudantahay in aan u riyaaqo mar alaala markii aan maqlo Magacaaga, waxaan Taalo kaaga dhisay qalbigeyga taas oo aan cid walbo tusi doono si ay u ogaadaan in aad tahay halyeeyad ruxday Qalbigeyga, Maskaxdeyda iyo waaxyaha jirkeyga, waxaan musxaf kaaga dhisay bartamaha laabteyda taas oo aan ku keydiyay eray walbo oo i tiri nolosheyda. 

Waxaad ka weyntahay kana qiimo badantahay cid alaala iyo dhamaan intii nolosheyda soo martay, waxaa kuu istaagay oo ku sharfay dhamaan Buuraha, dhirta iyo dhagaxyada waxaa ku sacabtumay kaana raali noqday dhamaan noolaha ku dhex nool  agagaarka qalbigeyga. 

Casharada aan kugu xasuusto waxaa kamida in aad nolosheyda bartay Naxariis, Jaceyl, Farxad iyo Kalsooni, waxaad qalbigeyga kasoo kaxeesay Meere aan laga cunin laga cabin Adigoo i keenay meeraha aan maanta uu ku noolyahay qalbigeyga  kaas oo aan ka helay Cunada qalbiga tan ugu macaanka badan taas oo ah Jaceylkaaga, waxaan oonka iga tiray Farxada aad isiisay, waxaan ku mahadcelin doonaa ilaa dhamaadka nolosheyda.  

Waxaa waagu iguugu baryaa anigoo kaa fakarayo waxaan seexda anigoo kaa fakarayo, ma kala garan karo intaas inta u dhaxeyso waxa ii qabsoomay laakiin waxaan cadeyn karaa in aan intaas  adiga kaa fakarayay.

Maka xumaan doono, Mana ka qoomameyn doono Go'aanka aan qaatay maalinti aan kugu aaminay nolosheyda, ogoow si doonto aad igaaga fogaato waxaan ahaan doonaa Qadar-kii aad taqiinay kaas oo kuu hibeeyay noloshiisa, hadii aan nolosha isla wadaagi weyno waxaad qalbigaaga galisaa in uu jiro qof ku jecel kaas ooa ad cidleysay kuna jeclaan doona inta ay noloshiisa ka go'ayso. 

Ilove you macn

Friday, November 11, 2016

❤️❤️❤️❤️Jaceylka ayaa aafeeyay waaxyaha jirkeyga❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️πŸ‘

❤️❤️❤️❤️❤️❤️Fariin jaceyl❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️


•waxaad furtaa inbox-kaaga kadib Gcliyahaga/gclisadaada u qor erayadaan•••

❤️"Waxaa doonayaa in aad habeyn walbo i tiraahdo waan ku jeclahay, taas ayaana ii sameyn karto in aan maalintii oo idil ka daalin howl walbo oo aan qabanaayo, Maalin uun waan midoobi doonaa anagoo wadaagi doono farxad, murugo, macaan iyo qaraarba, waxaan ku kalsoonahay in wada jirkeenu ka weynyahay isku darka buuraha, kana adagyahay shey walbo" ❤️

••••Hadii aad u dirtay waxaa tahay Romance, waxaa tahay ruux aad daacad ugu ah jaceylkiisa, waxaan hubaa hadii aad dadaalkaga badiso in aad ku guuleysan doonto raadinta rajadaada••••

Anigana maxaa mudanahay⁉️

Wednesday, November 9, 2016

Waan kusoo xasuusta marka aan maqlo erayadaan Jaceyl, Naxariis, qurux, hodantinimo, dadaal iyo kartiba, abaayo macaan waxaa tahay dhamaan gabadh isku darsatay, abaayo macaan waan ku jeclahay waan ku jeclaan doonaa waana kula xiriiri doonaa inta aan dunida noolahay. 

Waxaa jeclahay in aad iga difaaci doonto tiiraanyada, murugta iyo dhibaatada aan habeen walbo ku seexdo, habeyn walbo waxaa indhaheyga kasoo burqado ilin aanan celin karin, habeen walbo waxaan seexdaa anigoo kaa fakarayaa kuna riyoonayo anigoo nolol kula wadaagay. 

 
Ruux walbo oo dunidaan ku nool waxa uu utaamaa in uu helo qof uu jecel yahay anigana hadii aan ku heli waayo kuna hanan waayo waxaad ogataa in aan ahay qofka kaliya ee ku jecel ilaa aad dunidaan ka tageyso, waxaan rajeynayaa in aad wax igala qabato jaceylka baahsan aan kuu qabo.


Xaqiiqada waxa ay tahay in hadii aad jaceylkeyga ii tixgaliso aduunka heer aan ka gaaray heleyna riyadeyda rasmiga ah❤️❤️❤️❤️ 



❤️❤️❤️❤️❤️Ilove you❤️❤️❤️❤️

Fariin Jaceyl❤️❤️,

••••••••fariiinπŸ—‘•••••••

Xageyga waxaad ka tahay dahab qoroxdii wadada ii iftiimin laheyd, waxaad yeelatay oo xukuntay qeybta ugu muhiimsan qalbigeyga, waxaad bixisaa amarka uu dhiigeyga ku shaqeeyo , waxaad heysataa qeybta ugu muhiimsan dareenkeyga.

Waxaa awood u yeeltay hanashada qalbigeyga, soo jiidashada dareemaheyga iyo eegmada indhaheyga,  waxaan kuu hibeeyay dhamaan xubnaha jirkeyga anigoo ku xakumay in ay xabsi daa'in ku noqdaan aktaada, nolosheyda hal mid ayaan kaa hakray taas oo an in aan kuu ogolaado dhibaato, hadalka kaliya aan nolosheyda kaa qariyay waa beenta, mana kuu ogolaan doono marnava, hadii ay dhici laheyd waxaan ahaan lahaa wadnahaaga si aan kaaga ilaaliyo garaaca badan, hadii ay dhici laheyd waxaan ahaa lahaa gacantaada midig si aad waqti walbo iguugu salaaxdo dhabanaada, indhahaaga iyo dhamaan jirkaaga. 

Waxaa tahay daimond oo aan ku helay nasiibkeyga, waxaa tahay riyadeyda oo aan ku helay si kadis ah, waxaa tahay rajadeyda oo aan sugo daqiiqad walbo oo kamida nolosheyda, waxaa tahay fikirkeyga kaas oo aan ku saleeyo wax walbo oo wanaagsan, waxaa tahay indhaheyga aan marnaba u quurin in ay ilin katimaado, waxaa tahay wax walbo oo wanaagsan akteyda, waxaa tahay himilada xubin walbo oo jirkeyga kamida ay hikgsaneyso. 

Hadii aan kugu helaayo waxaan ku dhawaaqi lahaa magacaaga maalinta oo idil anigoo kugu riyoon lahaa habeenkii oo idil, in aan nokoshaada u dacwaado uma baahan doono qareyn sababtoo waxaa qareyn ij ah jaceylka aan kuu qabo, wax walbo oo dunida korkeeda ah waan kaa badbaadin lahaa sababto ah waxaan heystaa hubka aduunka ugu sareeyo oo ah jeceylkaaga. 

 Waan ku jeclahay 
Waan kujeclaan doonaa 
Waana kula soo xiriiri doona Inta ka harsan nolosheyda






Sunday, November 6, 2016

sheeko, sheeko. Baribaa waxaa jiri-jiray

 ••••••••••••••Kirishboy diin la'aa.•••••••

Gaari ayaa kabaxay Muqdisho isagoo kusii jeedo gobol kamida gobolada soomaali ay dagto, mar alaala markii uu dhex siimarayo  gaarigii ayaa waxxaa dhex ku qabsaday rooob yar aan badneeyn 

kahor roobka ayaa waxaa cirka soo xer-xeray daruur tilmaameyso in ay macquultahay in uu roob yimaado, Wadihii gaariga ayaa ku yiri Kirishboy shareeca meeshaan yaal qaad oo ku dabool gaariga, kirishboyga ayaa qaatay go'aanka Wadaha gaariga, kadib markii uu daboolay agabkii saarnaa gaariga, inyar kadib waxaa kala tagay daruurtii, Kirishboygii ayaa ka qaaday shareecii gaariga. 


10-daqiiqo kadib waxaa soo laabtay daruurtii, Kirishboygii ayaana daboolay gaarigii sidii hore silamida, hase ahaatee Daruurtii ayaa markale kala laabatay, kirishboygii ayaa ka qaaday shareeca gaariga. 

Mar sadaxaad waxaa sideydii hore usoo laabatay daruurtii, kirishboygii ayaa qabsadat shaqadiisii ooo waa uu daboolay gaarigii, inyar kadib waxaa kala fogaatay daruurtii, kirishboygii ayaa gaariga ka qaaday shareeca mar kale. 

Mar afaraad ayeey soo laabatay daruurtii, oo markaan aan waxba dhaamin tii hore, hase yeeshee kirishboygii oo daalnaa ayaa carooday markaan waxa uu go'aansaday in uusan waxba daboolin, waxaa silama filaan ah u yimid roob xoogan daqiiqadana qaatay, Kirishboygii oo careesan Ayaa yiri "war kaalay maanta alihii weynaa wiu jiifaaa, kii yaraa baa nagu ciyaarayo" !!!$

Subxanalah diin la'aanta dhib badan ayeey leedahay. 

Wednesday, November 2, 2016

Islaweynin, islaweynin, islaweynin

Isla weynin 

Isla weynin waa sifo si guud loo wada yaqaan lehna qaacido lagu raadin karo, waxaa tilmaami karo qof waayo arag ah ama wax badan ka yaqaan dabeecadaha dadka, waxaa jiro dad tiro yar hadana go'aamiyo waxyaabo eysan aqoon ulaheyn haba yaraatee qeyb kamida. 

Ma tilmaami rabi waxa la yiraah isla weynin mana faah-faahin doono micnaha ku hoos qarsoon. 

Waxaa jiro dabeecado kala duwan uu nooluhu leeyahay qaasatan bani aadamka taas oo aan iskuwada ekaan karin laga yabee in meelo kamida ay isku ekadaan, waxaa jiro karo dad dabeecado wanaagsan hada ayaga oo ismoodo in ay dabeecadooda adagtahay sidaasi darteetna uga go'a bulshada, ayagoo iska ilaalinayo qaladaad lagu qabto, sidaasi si lamidana waxaa jiri karo dad ay iyagana dabeecadooda u diidan lasocoshada asaagooda.

 macnaha hadlkeygana maah dabeecad ee waa ha go'aamin wax aadan aqoon u laheyn, qaladna haka galin qofna, waxaa laga yabaa in uu niyada kugu haayo ilaa noloshiisa ay ka go'ayso. 

Tuesday, November 1, 2016

Xumaan meel xun beey ku geysaa

Xumaan meel xun beey ku geysaa. 

Sida aad ka aragtobqoraalkaan xumaan kama hadli doono laakiin waxaan wax yar ka taaban doonaa waxyaabaha xumaha yar aad sameyso birina usababi karaan xumo ka balaadhan. 

Reer xamarka waxey yiraahdaan "gacan maanta 1-qaadaa birina 100-bey qaadaa" ulajeedkeyga maahan xumaantii ayaa la qaadayaa, hadii aad maanta qof xumaan ku raali galiso ogoow biri tii oo lalabo jibaaray buu rabaa. 

TUSAALE. 

Waxaan idiinka tusayaa isla fecebook, hadii maanta saaxiib kamida asxaabtaada uu soo qoro waxyaabo ay dhib tahay in Social Mediaha laga sheego, uu soo dhigo qoraal laga yax-yaxo aadna u dhibsanayaan umadaas meesha kuwada jirtaa, adigoo eegaya saaxiibtinimada kaala dhaxeyso qofkaas aad Like+Comment+share aad isugu darto, sababtana in qofku is yieaah aleylahee waxaad dhigtay qoraal aad magac ku heli karto ileyn somalida oo idil ayaa magac kalumee, ogoow taas ayaa sababi karto in aad saaxiibkaaga aad ku darto qoom xun-xun kana sheekeeya arimaha xun-xun, ogoow adigana iwaxaa laguugu tirin doonaa booska aad geysay saaxiibkaa. 

Sideed ku ogaan kartaa qofka ku jecel iyo sababaha uu ku jeclaadayy?

     Xaqiiqiyan waxaa jiro fikrado kala duwan oo ay leeyihiin aadanaha taas oo ay kukala  saaran karaan waxyaabaha ay fahmi waayaan, cid walbana si ayeey u fakartaa, ayadoo laga yaabo in koox-koox leysku raaco, daruuri maahan in aad ka hesho wax walbo oo aad aqriso, aragto ama Fal ah.

    ...................ma qeexi doono ereyga xulasho laakiin waxaan si caqliyan, ama fikir ahaan u sheegayaa sideed ku dareemi kartaa sida uu qofkaan ku jecel kugu xushay? HABKEE KU OGAAN KARTAA QOFKA KU JECEL SABABTA UU KUU DOORTAY.


Xulashada qofka waxey ku imaan kartaa sida uu markaas kuu arko ruuxa sida  Dabeecad, Qurux, Lacag, Dhaqan, Daganaan, Iskujifo ahaan IWM.

hadii aad rabto qofkaas waxuu kugu xushay in aad ogaato, taxliiji amaanta uu kuu sameeyo iyo sida uu mar walbo kugu fasiro asagoo ka warbaxinaayo sifooyinkaaga.πŸ‘πŸ‘πŸ‘