Sunday, November 13, 2016

❤️☀️☀️Farin ka socoto laab wax jecel⭐️ Kusocoto qof la jecelyahay❤️❤️☀️☀️

☀️fariin Jaceyl kusocoto qof la jecelyahay☀️.

In aan kugu yeero Mcn, gcliso, xubi iyo Wax yaabo lamida Macno weyn iguuguma fadhido sababto ah waxaa tahay macalimada nolosheyda isoo marto waxaadna u qalanta in aan kuu istaago mar alaala markii aan ku arko, waxaad mudantahay in aan u riyaaqo mar alaala markii aan maqlo Magacaaga, waxaan Taalo kaaga dhisay qalbigeyga taas oo aan cid walbo tusi doono si ay u ogaadaan in aad tahay halyeeyad ruxday Qalbigeyga, Maskaxdeyda iyo waaxyaha jirkeyga, waxaan musxaf kaaga dhisay bartamaha laabteyda taas oo aan ku keydiyay eray walbo oo i tiri nolosheyda. 

Waxaad ka weyntahay kana qiimo badantahay cid alaala iyo dhamaan intii nolosheyda soo martay, waxaa kuu istaagay oo ku sharfay dhamaan Buuraha, dhirta iyo dhagaxyada waxaa ku sacabtumay kaana raali noqday dhamaan noolaha ku dhex nool  agagaarka qalbigeyga. 

Casharada aan kugu xasuusto waxaa kamida in aad nolosheyda bartay Naxariis, Jaceyl, Farxad iyo Kalsooni, waxaad qalbigeyga kasoo kaxeesay Meere aan laga cunin laga cabin Adigoo i keenay meeraha aan maanta uu ku noolyahay qalbigeyga  kaas oo aan ka helay Cunada qalbiga tan ugu macaanka badan taas oo ah Jaceylkaaga, waxaan oonka iga tiray Farxada aad isiisay, waxaan ku mahadcelin doonaa ilaa dhamaadka nolosheyda.  

Waxaa waagu iguugu baryaa anigoo kaa fakarayo waxaan seexda anigoo kaa fakarayo, ma kala garan karo intaas inta u dhaxeyso waxa ii qabsoomay laakiin waxaan cadeyn karaa in aan intaas  adiga kaa fakarayay.

Maka xumaan doono, Mana ka qoomameyn doono Go'aanka aan qaatay maalinti aan kugu aaminay nolosheyda, ogoow si doonto aad igaaga fogaato waxaan ahaan doonaa Qadar-kii aad taqiinay kaas oo kuu hibeeyay noloshiisa, hadii aan nolosha isla wadaagi weyno waxaad qalbigaaga galisaa in uu jiro qof ku jecel kaas ooa ad cidleysay kuna jeclaan doona inta ay noloshiisa ka go'ayso. 

Ilove you macn

No comments: