Wednesday, November 9, 2016

Fariin Jaceyl❤️❤️,

••••••••fariiin🗡•••••••

Xageyga waxaad ka tahay dahab qoroxdii wadada ii iftiimin laheyd, waxaad yeelatay oo xukuntay qeybta ugu muhiimsan qalbigeyga, waxaad bixisaa amarka uu dhiigeyga ku shaqeeyo , waxaad heysataa qeybta ugu muhiimsan dareenkeyga.

Waxaa awood u yeeltay hanashada qalbigeyga, soo jiidashada dareemaheyga iyo eegmada indhaheyga,  waxaan kuu hibeeyay dhamaan xubnaha jirkeyga anigoo ku xakumay in ay xabsi daa'in ku noqdaan aktaada, nolosheyda hal mid ayaan kaa hakray taas oo an in aan kuu ogolaado dhibaato, hadalka kaliya aan nolosheyda kaa qariyay waa beenta, mana kuu ogolaan doono marnava, hadii ay dhici laheyd waxaan ahaan lahaa wadnahaaga si aan kaaga ilaaliyo garaaca badan, hadii ay dhici laheyd waxaan ahaa lahaa gacantaada midig si aad waqti walbo iguugu salaaxdo dhabanaada, indhahaaga iyo dhamaan jirkaaga. 

Waxaa tahay daimond oo aan ku helay nasiibkeyga, waxaa tahay riyadeyda oo aan ku helay si kadis ah, waxaa tahay rajadeyda oo aan sugo daqiiqad walbo oo kamida nolosheyda, waxaa tahay fikirkeyga kaas oo aan ku saleeyo wax walbo oo wanaagsan, waxaa tahay indhaheyga aan marnaba u quurin in ay ilin katimaado, waxaa tahay wax walbo oo wanaagsan akteyda, waxaa tahay himilada xubin walbo oo jirkeyga kamida ay hikgsaneyso. 

Hadii aan kugu helaayo waxaan ku dhawaaqi lahaa magacaaga maalinta oo idil anigoo kugu riyoon lahaa habeenkii oo idil, in aan nokoshaada u dacwaado uma baahan doono qareyn sababtoo waxaa qareyn ij ah jaceylka aan kuu qabo, wax walbo oo dunida korkeeda ah waan kaa badbaadin lahaa sababto ah waxaan heystaa hubka aduunka ugu sareeyo oo ah jeceylkaaga. 

 Waan ku jeclahay 
Waan kujeclaan doonaa 
Waana kula soo xiriiri doona Inta ka harsan nolosheyda






No comments: