Wednesday, October 26, 2016

Wax ka baro Tariikhda Adriano?

                       Magaciisa oo dhameystiran waa Adriano Correia Claro, waxuu dhashay 26-october 1984-kii, Adriano waxuu ku dhashay  magaalada Curitiba taas oo ku taalo dowlad goboleedka Brazilia ee wadanka Brazil, Adriano ayaa kubadiisa cagta kusoo bilaaway kooxda dalkiisa hooyo ee Curitiba football club taas oo ka dhisneyd isla magaaladii uu ku dhashay, Adriano ayaa usoo baxay waaweynka kooxda Curitiba sanadii 2002-da markaa uu bilaaway iciyaarihiisa rasmiga, 3-sano uu la joogay kooxda Curitiba waxuu saftay 81-kulan isagoo dhaliyay 2-gool. 

        dhaliyihii goolka furitaanka Uefacup Final 2007.

 Adriano ayaa kasoo dhaqaaqay dalkiisa 2005-tii markaas uu soo aaday xagaa iyo Yurub waxaa hishiis  is afgarad  kusoo qaadatay kooxda Sevillia, Adriano ayaa kusoo baxay ciyaar-yahan muhiim ka ah kooxdii uu majaraha u hayay macalinka reer spain hadase macalin u ah kooxda Malaga ee  Juande Ramos.  Adariano ayaa ayaa hishiis 4-sano ah usaxiixay kooxda 2006-dii, Adariano ayaa ahaa mid kamida daafacyada lafdhabarka u ahaa kooxda Sevillia sanadihii uu joogay, Adariano ayaa u dhaliyay 11-gool kooxda Sevillia 157-kulan uu u saftay sanadihii u dhaxeeyay 2005-10 kii, Adariano ayaa sidoo kale lagu xasuusan donaa in uu ahaa dhaliyihii goolka furitaanka ciyaar Final ah oo dhex-martay kooxaha Sevillia v ESpanyol UefaCup Fianl 2007-kii, hase ahaatee ma uusan raagin goolkisii oo waxaa dhagta soo qabtay Riera daqiiqadii  28-aad ee ciyaarta, ciyaartaas oo ugu dambeyn ay Sevillia koobka ku hanatay Rigoorayaal 3-1 ah. 


              Waqtigiisi Barcelona


16-kii july 2010-kii Ariano ayaa usoo wareegay kooxda Barcelona isagoo usaxiixay hishiis gaarayo 4+1 sano, Adriano ayaa Barca u xirtay numberka 21-aad ee Kooxda, kulankisii ugu horeeyay ee uu Barcelona u safto waxa uu ahaa kulan saaxiibtinimo kaas oo dhexmaray Kooxaha Barcelona iyo Vålerenga Fotball kadib markii uu badal kusoo galay qeybtii dambe ee ciyaarta, Adriano ayaa sidoo kale Barcelona u saftay kulankisii ugu horeyay ee xeer-caalami ciyaar ay Barcelona guul-daro kala kulantay kooxda Sevillia lugta koobaad ee supercapka Spain, Adriano ayaa intaas wixii ka dambeeyay si caadi ah u dhameestay xili-ciyaaredkisii ugu horeeyay ee Barcellona, isagoo badal buuxa looga dhigay halyeeygii hore ee Barcelona Eric Abidal kaas oo ku dhawaaa waqtigiisa gabo-gabada kubadda cagta, Adariano ayaa Barcelona u saftay 189-kulan isagoo shabaqa soo taabtay 17-jeer, Adriano ayaa Barcelona isaga tagay 2016-ka isagoo aaday horyaalka Turkiga iyo kooxda Besiktas. 


              BRAZIL

 Adriano ayaa u ciyaaray xulka Brazil  intii u dhaxeesay 2003-da ilaa 2013, 17-kulan uu usaftay wax gool ah uma dhalin


         SHAQSIYAD AHAAN 


Adarino ayaa ku guuleystay 6-CopaDelRey 4-Supespanya, 3-UefasuperCup, 2-UefaCup, 4-laliga, 2-ChampionsLeague 2-FIFAClubWorldCup, xulka dalkiisana waxuu la qaaday 1-CpaAmerico 1-fifau20Cup. 


No comments: