Tuesday, October 25, 2016

maxaad ka taqaanaa ciyaar-yahankii hore ee Real Madrid iyo xulalka  Croatia, Serbia, Slovenia, Bosnia and Herzegovina, Macedonia, Montenegro iyo Kosovo

                                             ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Magaciisa oo dhameystiran waa Predrag Mijatović, 19-kii January 1969-kii ayuu ku dhashay magaalada Titograd oo ku taalo  Yugoslavia, wadamada hada laka yiraahdo Croatia, Serbia, Slovenia, Bosnia and Herzegovina, Macedonia, Montenegro iyo Kosovo

                                              ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,  
Mijatovic ayaa ciyaaray boosas badan inta uu ku guda jiray kubadiisa cagta, waxaa kamida boosaska uu cayaaray: Garab, Qadka-dhexe iyo booska weerarka, Mijatovic ayaa ugu dambeyn noqday mid ka cayaara booska weerarka ah, markii uu kusoo baxay gool-dhaliye cajiib ah
         Mijatovic kubadiisa cagta waxuu  kasoo bilaabay kooxda dalkiisa hooyo ee Kom oo uu usoo ciyaaray intii u dhaxeesay 5-7 jirkiisa, Mijatovic ayaa sidoo kale usoo ciyaaray kooxaha Akadeemooyink kooxaha  Titograd iyo Budućnost Titograd, kuwaas uu kasoo qaatay qibradihii ugu horeeyay uu ku dagaal tagi lahaa. Mijatovic ayaa kusoo biiray kooxda Budućnost Titograd taas oo aheyd kooxdi ugu horeysay ee loo diiwaan galiyo 1987-kii, Mijatovic ayaa sidoo kale usoo ciyaaray  kooxaha Partizan, Valencia, Real Madrid, Fiorentina iyo kooxda Levante. ayaa dhamaan kooxahaas u dhaliyay goolal garaya 148-gool 433-kulan uu u saftay, kooxda uu goolsha ugu badan u dhaliyay waa kooxda Valencia asagoo u dhaliyay 56-gool tar-tamada oo idil, Mijatovic ayaa sidoo kale kooxda Real Madrid u dhaliyay 30-gool 90-kulan uu usaftay.
         Mijatovic ayaa ayaa sidoo kale u cayaaray xulka qaranka Yoguslavia kuwasoo hada isku badalay  Croatia, Serbia, Slovenia, Bosnia and Herzegovina, Macedonia, Montenegro iyo Kosovo 73-kualn uu usaftay xulka waxuu u dhaliyay 26-gool.  

       
 

XASUUSTA MIJATOVIC 

Mijatovic ayaa lagu xasuusan karaa inuu ahaa dhaliyahii goolka guusha ahaana goolka madiga ee Real Madrid ku qaaday Champions League kadib Fianl ay latimid kooxda Juventus sanadii 1998-kii, Mijatovic ayaa Amsterdam Arena kusoo dhaliyay gool ay kooxda Real Madrid ku noqotay Champion-ka Yurub Markedii 7-aad, ciyaartaas waxaa garoonka Amsterdam Arena ku sugnaa 48,500-taagerayaal ah. 

No comments: